Sunday, May 19, 2024

Canshuur kordhin lagu sameeyay Qaadkii imaan jiray Muqdisho & Ganacsatada oo ku kala jabtay

Canshuur lagu kordhiyay Qaadka yimaada magaalada Muqdisho ayaa xaalad kacsan iyo sar u kac qiimihiisa ka dhaliyay suuqyada magaalada Muqdisho.

Qaadka ka yimaada Kenya oo hore looga qaadi jiray $11 ayaa hadda laga dhigay canshuurtaasi $14 Qumbuladii, taasoo keenay inay qaadacaan inta badan ganacsatada Qaadka keenta Muqdisho.

Laba diyaaradood oo kaliya ayaa maanta keenay Qaad magaalada Muqdisho, waxaana qiimihiisu noqday mid aad u sareeya, waxaana ganacsatada qaarkeed ay sheegeen inay iibinayaan Qaadkii shalay.

Ad

Canshuur kordhintan ayaan la ogeyn cidda soo saartay iyadoo xukuumadii hore ee xilka sii heysa aysan awood heerkan gaarsiisan u lahayn inay tallaabo qaado, laakiin waxaa hore u jiray qorshe abaaraha dartood lagu kordhinayo canshuuraha laga qaado dadka ka dhoofaya Muqdisho.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON