Tuesday, May 21, 2024

Booliska oo soo bandhigay Nin lagu eedeeyay inuu kufsaday Haween ay ku jirto Islaan waayeel ah

Ciidamada Booliska degmada Afgooye ayaa gacana ku dhigay nin lagu soo eedeeyay inuu Beeraha Afgooye ku kufsaday laba haween ah.

Maamulka degmada Afgooye ayaa sheeagay inuu fal kufsi ah ka dhacay degmada, kaasoo loo geystay laba dumar oo mid ka mida ay tahay islaan waayeel ah, wuxuuna kufsiga ka dhacay Tuulo ka tirsan degmada Afgooye, waxyna cidiamada soo xireen wiilkaasi oo baxsad ahaa.

Guddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahim Cumar in Ninkii falka kufsiga ah geystay uu baxsaday, kadibna lasoo qabtay, laguna soo bandhigay xarunta degmada, isagoo gacmaha ka xiran.

Ad

Ninka lasoo eedeeyay ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad iyadoo labada haween ee uu falka kufsiga kula kacay loo iray isbitaal si loo baaro.

Arrintan ayaa ka mida falal kufsi ah oo dhowaanahan kusoo badanayey magaalooyinka, iyadoo uu weli taagan yahay kiiskii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo la sheegay in la kufsaday, kadibna geeriyootay markii dabaq ku yaalla Muqdisho laga tuuray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON