Saturday, May 18, 2024

Amiirka Alshabaab oo xusay 100 guuradii Halgankii Darwiishta ee Sayidka (Isbedel miyaa ku yimid Shabab?)

Alshabaab ayaa xalay baahisay farriin cod ah oo uu diray Amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Ahmed Cumar (Abuu Cubeysa) oo looga hadlay 100-guurada halgankii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Farrinta Amiirka Alshabaab ayaa dhammaanteed ku saabsaneyd bogaadinta halgankii Sayidka iyo inay Alshabaab ka mid yihiin Draawiishtii la dagaalantay Gumeysiga Ingiriiska, isagoo is barbar dhig daqiiqo badan qaatay isku dayey in Alshabaab aysan waxba ka duwanayeyn Daraawiishtii Sayidka.

Fariinta codka ah ee Amiirka Alshabaab oo halheys looga dhigay ‘llow Yaa Darwiishkii Farriin debecsan gaarsiiya, ayuu Soomaalida hadda joogt u kala saaray Mujaahidiinta uu hoggaamiyo, Murtadiin oo ah dowladda, ciidamadeeda iyo inta raacsan iyo gaalo dalka kusoo duushay.

Ad

Arrintan ayaa siyaabo kala duwan loo arkay, waxayna dadka qaarkood u arkaan in Alshabaab ay dooneyso inay ka hoos baxdo ururweynihii Alqaacida ee ay ka tirsaneyd, iyadoo muddo dheer ka tirsaneyd.

Alshabaab ayaa muddo dheer ahayd xoogga ugu weyn ee Alqaacida, markii ay burbureen oo meesha ka baxeen inta badan xoogagadii Alqaacida ee Bariga Dhexe iyo dalal badan oo caalamka ka mida, kadib soo if-bixii Daacish.

Inay Alshabaab noqoto urur diimeen maxali ah oo aan ku xirneyn qorshe caalami ah iyo Alqaacida waxay debcin doontaa mowqifyadii adkaa ee Al-shabaab oo hoostagta Alqaacida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON