Sunday, May 19, 2024

Alshabab oo Haweeney iyo Shan Rag ah ku fulisay Xukun Dil Toogasho ah (Akhriso Magacyada)

Alshabaab ayaa lix qof ku fulisay xukun Dil toogasho ah, kadib markii ay kusoo eedeysay inay ahaayeen Jawaasiis u basaasayey Mareykanka iyo Dowladda Federaalka.

Dilka ayaa shalay galab ka dhacay degmada Saakow ee Gobolka J/Dhexe, waxaana lixda qof ee la toogtay ay kala ahaayeen qof haweeney ah iyo shan rag ah, waxaana laga soo qabtay degaanka Kuunyo-barrow oo duqeymo dhowr ah ay ka fuliyeen, sida Alshabaab ku eedeysay Alshabaab.

Dhammaan dadka ladilay ayaa lagasoo qabtay deegaanka Kuunyo Barroow halkaas oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxayna maxkamadda Alshabab sheegtay inay qirteen denbiga, lagu xukmnay Xadka ridadda.

Ad

Hoos ka akhriso Magacyada dadka Alshabaab toogatay:.

1- Cumar C/qaadir Hiiraale oo da’diisu tahay 36 jir, kuna eedeysan duqeymo ka dhacay Kuunyo Barrow.

2- Cabdi Xasan Axmed oo 29 sano jir ah, laguna eedeeyey duqeymo ka dhacay Kuunya Barrow.

- Advertisement -

3- Fartuun Cumar Abkow (Fartuun Farto) oo 36 sano jir, waxaa lagu eedeeyay inay ka ahayd duqeymo ka dhacay Kuunya Barrow.

4- Ibraahim Cumar Cali oo 55 sano jir ah, oo lagu eedeeyay inuu kamid dabagalka ku hayay Oday Bile oo lagu duqeeyey Kuunya Barrow, isagoo gudbiyay numberka Sheekh Ismaaciil.

5- Saadaam Cusmaan Maxamed Nuur 21 sano jir lagu soo eedeeay inuu basaas u ahaa Mareykanka, qeybna ka qaatay duqeyn ka dhacday Kunya barrow

6- Aweys Xasan Xaaji Maxamed (Yaaw) 36 sano jir, lagu soo eedeeyay inuu macluumaadka Alshabaab u gudbin jiray Sirdoonka Mareykanka, waxaa kaloo lagu eedeeyay inuu ahaa Sixiroole.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON