Saturday, May 18, 2024

800 Qof oo Talyaaniga ugu dhintay Coronavirus & Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo looga shakiyey.

Talyaaniga ayaa mar kale la shaaciyey inay sii kordheen dadka ugu dhimanaya cudurka COVID-19 ee uu keeno Virus-ka Corona, iyadoo ku dhowaad 800 qof ay ugu geeriyoodeen cudurka.

24-kii saac ee ugu danbeeyay ayaa dowlada Talyaaniga ay shaacisay inay ku dhinteen 893 qof oo cudurka COVID-19 uu haleelay, waxaana hadda dalkaasi uu cudurka Coronavirus uu ku dilay dad ka badan 4,825 qof oo si xowli ah u sii kordhaya saacad kasta.

Talyaaniga ayaa hadda dadla cudurka sida waxay gaareen 53,528 qof, iyadoo uu yahay dalka ugu weyn ee dhimashada iyo dadka cusub ee qaadaya cudurka, waxaana dalka uu ku jiraa bandow dhinac waliba ah.

Ad

Dhinaca kale Mareykanka ayuu si weyn ugu faafayaa cudurka Coronavirus, iyadoo uu shaaciyey madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Mark Pence inuu is laga baari doono maanta cudurka kadib markii mid ka shaqaalaha xafiiskiisa laga helay cudurka.

Mareykanka ayaa hadda waxaa cudurka qaba dad gaaraya 21,000 qof; waxaana ugu dhintay dad gaaraya 273.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON