Friday, May 3, 2024

Yaa ka danbeeyay inuu baaqdo Bandhig-Faneedkii Fannaanka Nimcaan Hilaac ee Magaalada Boosaaso..? [Daawo]

Bandhig Faneedkii la filayay inuu magaaladda Boosaaso ku qabto Caawa fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Hasan (Hilaac) ayaa baaqday, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan sababta baaqashadiisa.

Fanaanka ayaa muuqaal iyo qoraal kooban oo dhigay baraha bukshada, wuxuun ku yiri : Wargalin, dhamaan bulshada qaaliga ah ee reer Puntland gaar ahaan Bosaaso waxan idinka raali galinayna Dib udhaca ku yimid Showgi Bosaso, sidoo kale waxan dhalinta ka kala timid Magaalooyinka #Qardho_Garoowe iyo Gaalkacayo Ee showga usocday si gaar ah ayaan idinka raali galinayna”

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo baaiyey Nimcaan Hillaac, waxayna wararku sheegayaan in Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso ay ka cudurdaaratay in Hoolka xarunteeda lagu qabto Bandhigga, kadib cadaadis uga yimid ganacsatada iyo culimada magaalada oo hore u diiday bandhig faneedyo noocan oo kale ah.

Duqa magaalada Boosaaso ayaa laga soo xigtay inuusan jirin amar  kasoo baxay oo lagu joojiyey bandhig faneedkii Nimcaan Hillaac, laakiin in maamulka degmada laga codsaday in hoolka dowladda hoose ee Boosaaso lagu qabto bandhig faneedka, balse maamulka degmadu ay arrintaasi ka cudur daarteen.

Ad

Fanaanka iyo taageerayaashiisa ayaa la sheegay inay waayeen hotel iyo xarun ay ku qabtaan bandhig faneedka, taasoo keentay inuu baaqo, lamana oga inuu gebi ahaan meesha ka bixi doono iyo in kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON