Sunday, May 12, 2024

Xogta Dagaal culus oo Ciidamada Danab iyo Alshabaab ku dhex maray Galgaduud

Mid ka mida dagaalladii ugu cuslaa oo saacado socday ayaa maanta ka dhacay Gobolka Galgaduud, kaasoo dhex maray ciidamada Danab ee Kumaaandooska Soomaaliya iyo maleeshiyada Alshabaab.

dagaalka oo ahaa weerar ay qaadeen Ciidamada Danab oo howlgallo kawada inta u dhexeeyso degmada Galcad iyo degaanka Bud-bud aya dhaliyay qasaare culus, iyadoo lagu burburiyay Goobo Alshabaab ufu keydsanaayeen Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa iyo Hub, sida lagu sheegay war kasoo taliska Xoogga Dalka.

Howlgalkaan waxaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ay kujiraan horjoogayaal, sida uu sheegay Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare. Warbaahinta dowladda ayaa faafisay meydadka Alshabaab la sheegay in lagu dilay dagaalka.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkii maanta oo ay sheegtay inuu ka dhacay degaanka Gariyaale ee duleedka Galcad, waxaana war kasoo baxay lagu sheegay inay ku dileen 14 askari oo ka tirsan ciidamada Danab, kuna dhaawacmeen 16 kale.

Waxay kaloo Alshabaab sheegatayinay gubeen 2 Gaari oo qoryo ku rakiban yihiin, gaari kalena iyo Hubna ay qabsadeen, inkastoo aanay jirin cid xaqiijisay sheegashadaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON