Thursday, May 2, 2024

Xog laga helay Macallin Cismaan: Madixii Arrimaha Dibadda Alshabaab ee Duqeynta lagu dhaawacay

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa madixii Arrimaha dibadda Alshabaab oo lagu dhaawacay duqeyn Diyaaradaha Mareykanka ee Drone-ka ku qaadeen Guri ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe.

Duqeyntan oo dhacday Sabtidii 20-ka May 2023 ayaa ugu horeyn waxaa shaacisay dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeyntaasi ay geystay qasaare weyn oo dhimasho iyo dhaawac leh, kadibna waxaa xaqiijiyay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Qoraalka kasoo baxay AFRICOM laguma sheegin wax qasaare ah oo duqeyntaasi geysatay, waxaana lagu caddeeyay inay dowladda Federaalka la kaashadeen weerarka ka dhacay degmada Jilib, kaasoo aanay waxyeelo kasoo gaarin dad rayid ah.

Ad

Xogtii ugu horeysay ee duqeynta ka dhacday Jilib waxaa shaaciyey Afhayeenka Taliska Mareykanka ee AFRICOM Timothy S. Pietrack, kaasoo shalay lagas oo xigtay in howlgalkii duqeynta ee Jilib lagu dhaawacay madixii Arrimaha Dibadda u qaabilsanaa Alshabaab.

Saacado kadib waxaa qoraal kale xalay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka oo shaacisay magaca horjoogihii Arrimaha dibadda u qaabilsanaa Alshabaab ee lagu bar tilmaameedsaday weerarkii degmada Jilib.

Qoraalka Dowladda Federaalka waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dhaawacay Madaxa howlgallada dibadda ee Al-Shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi, loona yaqaan Macallin Cismaan.

- Advertisement -

Horjoogahan ayaa la sheegay inuu Alshabaab mas’uul uga ahaa in uu dalka soo geliyo ajaanibta Alshabaab ku biireysa, sidaas si la mid ahna uu fududeyn jiray kala gudbinta fikradaha Khawaarijta.

Sida lagu ogaaday xogta laga helay xubno Alshabaab hore uga goostay oo ka mida dowladda Soomaaliya Horjooge Macalin Cusmaan wuxuu hore u soo noqday madaxa Difaaca Alshabaab, isagoo u muuqda inuu ka badbaaday Duqeynta lagu khaarijin lahaa.

Macalin Cismaan waxaa la sheegay inuu yahay sarkaal muddo dheer Alshabaab ka mid ahaa oo soo qabtay xilal kala duwan , isagoo inta badan qorsheyn jiray weerarrada Alshabaab ku qaado dalka Kenya iyo meelaha ka baxsan Soomaaliya.

Waxaa la sheega inuu ku lug lahaa Weerarkii weynaa ee Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Ciidamada Kenya ee degaanka Ceelcadde, Gobolka Gedo bishii Janaayo 2016-kii, kaasoo ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaaray ciidmada AMISOM, laguna dilay inta la qiyaasay ilaa 160 Askar.

- Advertisement -

Saraakiisha warkan laga soo xigtay ayaa sheegay in Horjooge Macallin Cismaan xilka uu xiilgan ka hayey Alshabaab ay ahayd isku xirka weerarrada Al-shabaab ee la dhaca dalka Kenya, wuxuu kaloo abaabulay Duullaankii Al-shabaab ay ku qaadday bariga Itoobiya bishii July ee sanadkii hore.

Weerarkii S20-ka Bishan May ka dhacay Magaalada Jilib ayaa ku soo beegmay xilli uu Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Salaad ku sugan yahay Dalka Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON