Monday, February 10, 2025

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay iyo Madaxda ka maqan

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo qaar ka mida madaxda Golaha ay ka maqan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, waxaana qoraal kasoo baxay madaxtooyada lagu sheegay in shirka looga arrinasanayo xaaladda amniga dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dhameystirka dayn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran.

Shirka waxaa ka qaybgalaya, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka. Waxaa sidoo kale ka maqan Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo safar uga maqan dalka.

Puntland ayaa Janaayo 2023 ku dhawaaqday inay dhaqmi doonto sidii dawlad madax bannaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, kadib khilaaf soo dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Siciid C/llaahi Deni.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON