Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo fadhigiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa shacabka iyo maamulka Puntland ku taageeray, kuna bogaadiyey hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka.
“Hannaankan doorashada tooska ah inay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan inay hoggaankooda kusoo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecelnahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.” ayuu Farmaajo ku yiri bayaan uu soo dhigay barihiisa bulshada.
Falcelin iyo dood culus ayaa ka dhalatay warka uu soo saaray Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo hore khilaaf adag oo doorasho uu hore u dhex maray Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Taageerada Farmaajo u fidiyey Doorashada Puntland ee uu wado Siciid Deni ayaa loo arkaa inuu ku muujinayo mucaaradnimada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waana markii ugu horeysay ee uu qaato go’aan siyaasadeed intii uu xilka ka degay sanad ka hor.
Doorashada goleyaasha degaanka Puntland ayaa dhalisay xiisad siyaasadeed oo siyaasiyiinta mucaaradka Puntland uga hor yimaadeen, iyadoo Siciid Deni lagu eedeeyay inuu wado qorshe muddo kororsi ah.
