Thursday, May 2, 2024

Wakiilkii Q/Midoobay ee Somaliya oo xilka ka tegeysa Bisha May iyo Sababta dib loogu yeeray

Ergeygii Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa xilka ka tageysa Bisha May, sida lag sheegay qoraal kasoo baxya xafiiska UNSOM.

Lama faahfaahin sababta xilka tegisteeda, laakiin xog laga helay mas’uuliyiin ka tiran dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegeysa inay dacwad ka gudbiyeen haweeneydan kasoo jeeda Britian oo ay si weyn u dhaliiieen warbixinnadeeda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa la sheegay inuu dib ugu yeertay Catriona Laing, xilkeedana kusoo gaabiyey muddo sanad ah, kadib dacwadda uga timid dowladda Soomaaliya.

Ad

Arrimaha ugu waaweyn ee Dowladda Federaalka ku qoonsatay Catriona Laing ayaa lagu sheegay, hab-dhaqankeeda siyaasadeed ee Maamulka Puntland iyo Warbixinno aysan jecleysay dowladda Somaliya oo ay u gudbisay Golaha Amniga Qaramada Midoobay.

Qoraal u muuqday macsalaameyn ayay Catriona Laing ku tiri: “Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan doorka muhiimka ee lagu taageerayo nabvadda iyo xasuloonida Soomaalida”.

Waxay intaas raacisay in Soomaaliya ay tahay goob taRajada iyo saaxiibtinimada, ayna sii wadi doonto taageerada iyo u doodista danaha Soomaalida.

- Advertisement -

Haweeneydan ayaa ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loo magacaabay Bishii May ee sanadkii hore.

Soomaaliya markii ugu horreysay waxay i soo jiidatay sagaashamaadkii, waxaana ugu dambeeyay ee aan halkan ku soo qaatay waxay sii xoojisay ixtiraamka iyo qaddarinta aan u hayo dadkeeda – dalkooda waa meesha rajada iyo saaxiibtinimada, horumarka iyo ballan-qaadka, waxaana sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista # Soomaaliyey meel kasta oo aan joogo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON