Monday, May 19, 2025

Maxaa ka jira inuu Abwaan Maxamuud Jeesto gaaray Jilib, kuna biiray Alshabaab..?

Warar isa soo traya ayaa sheegaya in Abwaan Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim (Jeesto) oo ka mida dhalinyarrada kasoo jeeda uu ku biiray Alshabaab.

Nikan dhaliyarrada ah ee Muqdisho ku noolaa sanadihii danbe ayaa ka mid ahaa dhalinyarrada maansooyinka tiriya ee kasoo jeeda magaalada Burco, isagoo saaxiib la ahaa Abwaankii kale ee isna u baxsaday Shabaabka ee Nageeye Khaiiif.

Sida laga soo xigtay dad u dhow iyo qaar ka mida ehaladiisa waxaa Abwaan Maxamuud Jeesto uu gaaray xarunta Alshabaab ee degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka iyo Alshabaab.

Ad

Ninkan dhalinyarrada ah ayey ciidamada NISA xireen 18-kii Oktoobar ee sanadkii hore 2023, iyadoo markaas loo heystay inuu qoraallada uu ku gudbiyo bartiisa Facebook uu ku taageero Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya inay xabsiga ka damiinteen xildhibaanka ku metela Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Harun, halka uu maray in la sii daayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Jaamac.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON