Saturday, May 4, 2024

SAWIRRO: Ciidamo cusub oo lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Ciidamo cusub oo boolis ah, kuwaasoo tababar cusub soo qaatay tiradooduna ku dhow dahay 100 askari ayaa lagu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir iyagoo qeyb ka noqon doona qorshaha Mas’uuliyadda Ammaanka loogu wareejinayo Gobolka Banaadir.

Ciidamada cusub ayaa gaaaya 93 askari oo boolis ah, waxayna soo qaateen tababar  saddex bilood oo ay ku qaateen Magaalada Muqdisho. Waxayna ahaayeen arday dugsiga Sare ee Muqdisho oo isu qoray ciidamada.

Munaasabad ka dhacday Dugsiga Sare ee Booliska waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo masuuliyiin kale.

Ad

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya oo ka hadlaayay munaasabadaasi, ayaa wuxuu sheegay inay dhisayaan ciidan muuqaal wanaagsan leh, isla-markaana ay dadka isku haleyn karaan. Taliyaha, ayaa askartan cusub si rasmiya ugu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho oo isna ka hadlay munaasabadaasi, ayaa wuxuu General Xaamud uu ku ammaanay mid taariikh wanaagsan kaga tagaaya dalka. Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay askarta cusub ee tababarka loo soo xiray inay wax wayn ka tari doonaan nabadgelyada Caasimadda.

DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -

1460663682133ba.jpg

1460663683e478c.jpg

1460663685522a4.jpg

1460663686bf2af.jpg

- Advertisement -

14606636871ccfd.jpg

GOOBJOOGE.COM

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON