Saturday, May 4, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Sarifle 12 sano Basaas u ahaa Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxamed Cali Xersi Diirshe oo ahaa Sarifle ka shaqeysta degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku xukuntay Xabsi ciidan oo 10 sano ah.

Sariflahan ayaa looo xiray inuu ka tirsanaa Alshabaab, gaar ahaan qeybta Basaasnimada iyo weliba inuu fuliyey weerarro uu ku qaaday xarumo ciidan, sida ay ku soo eedeysan xeer ilaalinta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Diirshe ayaa degaanka Ceelasha Biyaha ku lahaa goob lagu sarifo lacagaha, waxaan lagu helay inuu Alshabaab u gudbin jiray xogaha Ciidamada dowladda ee ka baxa Muqdisho, kuna sii jeeda Shabeellaha hoose ee mara Wadada Ceelasha Biyaha.

Ad

Wuxuu sheegay inuu Alshabaabku biiray 2012, waxaana xogtiisa sida muuqata laga helay Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka ay ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Goobaha uu Bambooyinka ku tuuray ayaa waxaa ka mida saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degaanka Ceelasha Biyaha, wuxuu sidoo kale weerarray Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifa, waxaana bambooyinka uu tuuray ku dhaawacmay saddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween.

Waxay Hay’adaha amniga dowladda Somaliya gacanta ku dhigeen eedeysane Maxamed Cali Xersi Diirshe bishii Disembar 2023. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON