Friday, May 3, 2024

Askar Burcad isu bedeshay iyo Haweeney Hoggaamiye u ahayd oo la xukumay

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno xabsi ah ku riday koox Burcad ah oo ka kooban askar iyo haweeney, kuwaas oo falal dhac ah ka geysan jiray xaafado ka mida caasimadda Muqdisho.

Kooxdan ayaa ka kooban afar xubnood oo kala ahaa:

1- Kormeere Labaad Asluubta Nuur Iidle Salaad

Ad

2- Dable Xoogga Cabdisalaam Arwaax Shariif

3- Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed

4- iyo Nimco Maxamuud Cali

- Advertisement -

Waxaa kooxdan lagu soo eedeeyay inay si wadajir ah falal burcadnimo hubeysan ugu geysteen 14 qof oo shacab ah iyo Isticmaalka Qamriga, iyagoo ka howlgeli jiray degmada Hdoon.

Haweeneyd kooxdan ka mida ee Nimco Maxamuud ayaa qaabilsaneyd Qarinta agabyada dadka laga dhaco, iyaddoo kooxda u saarnaan jirtay qeybta hore ee gaariga, si loo marin habaabiyo ciidamada amniga.

Ciidamada Amniga ayaa kooxdan gacanta ku dhigay xilli uu Gaarigii ay wateen ka halaabay, kadibna geeyeen Garaash ku yaalla degmadda Hodan 10-kii Ogost 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobada bishii Seddexdaad ee Sanadkaan 2024.

- Advertisement -

Kadib fadhiyadii Maxkamadda, waxaa min 8 sano oo xabsi ciidan ah lagu xukumay askarta kala ah: Ex-Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Ex-Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Ex-Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed, halka Nimco Maxamuud Cali lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON