Thursday, October 10, 2024

Howlgalkii xaafadda Dab-damiska oo la hakiyay iyo Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay

Howlgal la fuilayay in laga kiciyo xerada Dab-damiska ee Booliska magaalada Muqdisho ayaa la hakiyay, kadib markii uu soo faragliyey Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyuiin kale ayaa kulan la yeeshay dadka laga saarayo xerada Dab-damiska ayaa dhageystay cabashooda ku aadan dhulka Taliska Boolisak amaray in laga saaro, isagoo sheegay in la hakiyay arrintaas, xaaladana la dejiyo.

Qoorqoor ayaa sheegay inaysan beri jiri doonin barakicin lagu sameeyo dadka degan xerada Dab-damiska, isla markaana uu isagu arrinta ku soo baxay oo uu kala hadli doono Madaxda dowladda Federaalka.

Ad

Taliska Booliiska Soomaaliya oo dhowr jeer waqti u qabtay ayaa kama dambeys Berri la filayay inay fuliyaan howlgal dadka looga kicinayo dhulka xerada Dab-damiska, balse dadka oo qaarkood hubeysan aya ku adkeysteen in aysan halkaasi ka guuri doonin.

Dhinaca kale senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in la joojiyay howgalkii looga saari lahaa halkaas. “Shacabka ku nool xaafada Dab-damiska ee Magaalada Muqdisho waxaa ku wargalinayaa inaan isku afgaranay Hay’adaha amniga oo kala ah Wasaarada Amniga iyo Taliska Ciidanka Police ka Soomaaliyed in la joojiyay howlgaladii looga rarayay maalinta biri ah oo Tarikhdu tahay 20/04/2024 dadka xaafadaas, ilaa waqti danbe ee la iskaga yimaado”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON