Tuesday, April 30, 2024

Dugsiyada iyo Jaamacadaha Muqdisho oo ku dhawaaqay Shaqo joojin, dalabna u diray..

Ururka Midowga Bahda Waxbrashada Soomaaliyeed ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin saddex maalmood ah oo saameyn doonta Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka, kadib Macallin Iskuul oo lagu dhex dilay caasimadda.

Midowga oo shir jaraa’id ku qabtay Dugsiga uu falka dilka ah ka dhacay ayaa tacsi u diray Macallin ka baxay Bahda Waxbarashada, waxayna ka dalbadeen Hay’adaha dowladda Federaalka inay gacanta ku soo dhigaan denbiilaha oo la sheegay inuu baxsaday.

Shaqo joojinta Bahda Waxbarashada Muqdisho ayaa bilaaban doonta Sabtida 17-ka Febraayo, iyadoo socon doonta ilaa Isniinta, waxayna caddeyeen inay dowladda uga fadhiyaan soo qabashada iyo cadaalad marsiinta dembiilaha dilka u geystay Macallin C/raxmaan Maclow Abiikar.

Ad

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

UNION OF SOMALI EDUCATION UMBRELLAS
Midawga Bahda Waxbarashada Soomaaliyeed
WARSAXAAFADEED

Bahweynta Waxbarashada Soomaaliyeed waxa ay aad uga xunyihiin kana tacsiyeeynayaan dilkii argagaxa lahaa ee loo geestay Macallin Cabdiraxmaan Macllow Abiikar, oo ka mid ahaa barayaasha dugsiga Mohamed Xirsi Nur Siidii ee magaalada Mogadishu.

- Advertisement -

Waxayna murugada la qeybsanayaan qoyska, ehelka, ardayda, Macalimiinta, maamulka iskuulka, Bahweynta Waxbarashada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxayna canbaaraynaynaa Dadkii ka dambeyay dhibaatada aadka u foosha xun ee ka dhacday dugsigaas. Kaas oo ahaa fal argagax leh, saameyn aad u xunna ku yeeshay ardayda, macalimiinta, maamulka dugsiga, bahda waxbrashada iyo guud ahan bulshada Soomaaliyeed.
Bahda Waxbarashadu waxa ay Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan laamaha amniga iyo kuwa garsoorka ka codsanayaan in ay soo qabtaan danbiilihii gaystay dilka.

Ugu danbayn, Bahweynta Waxbarashada Dalka oo ka dhiidhinaysa dhibaatadii dhacday, garab istaagna u muujinayso macalinka Soomaaliyeed, waxaan go’aan ku gaarnay in aan joojinno waxbarashada iskuullada iyo Jaamacadaha muddo saddex maalmood ah oo ka billaabanaysa maalinta Sabtida 17 Febraayo 2024, loogana fadhiyo dawlada soo qabashada dambiilaha.

MAHADSANIDIIN

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON