Tuesday, May 20, 2025

Sh. Shariif iyo Farmaajo oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu jebiyay Heshiisiintii Siciid Deni

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu jebiyay wadahadal iyo waanwaan ay ka dhex wadeen isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayey ku sheegeen in kaddib wadahadallo dhinaca telefoonka oo ayu si gooni gooni ah ula yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayu ku guuleysannay in labada dhinac ka aqbalaan in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan” ayey qoraalkooda ku yiraahdeen labada madaxweyne ee hore.

Ad

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Dalku uu haatan taagan yahay isgoys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul.

“Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh”. ayey intaas raaciyeen, iyagoo u mahadceliyeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sheekh Shariif iyo Farmaajo waxay war-saxaafadeedkooda ku caddeeyeen in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan, Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
13ka Febraayo, 2024

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    161,065FansLike
    2,523FollowersFollow
    5,990FollowersFollow

    NAGU SOO BIIR

    161,065FansLike
    2,523FollowersFollow
    5,988FollowersFollow

    TOP NEWS

    XOGAHA QARSOON