Magaalada Kismaayo waaa maanta gaaay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaoo uu halkaasi kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Maxamed, Madaxweyne ku xigeenada maamulkaasi, xubnaha maamulkaasi.
Socdaalka ayaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay dhammaystirka xoreynta degaannada ku jira gacanta Alshabaab , horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee maamulka Jubbaland.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wadahadaladda xasaasiag ah ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe diiradda lagu saari doono xoojinta isbaheysiga siyaasadeed ee ka dhaxeeya, wax ka bedelka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalku bilaabay, Doorashada Jubbaland oo Axmed Madoobe mar kale u taagan yahay iyo shir ay Madasha Wadatashiga Qaran dhowaan yeelan doonto.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa imaanaya iyadoo ay fashilantay Gogol wadahadal oo magaalada Garowe la dhigay kadib dib u doorashadii Siciid Den, iyadoo madaxweynayashii hore Sheekh Shariif iyo Maxamed Famaajo ku eedeeyeen Xasan Sheekh inuu jebiyay waanwaantii ay wadeen.