Sunday, April 28, 2024

Dowladda Somaliya oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay Macalin Ayman iyo AFRICOM oo..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday duqeyn 17-kii bishan Disembar ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe, taasoo la sheegay in lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxda Alshabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogg Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa sheegay in Duqeynta Jilib lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo Alshabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaalada.

Taliayaha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in in 17-kii bishan duqeynta Degmada Jilib ka dhacdayn lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo magaciisa afgarashadu yahay Macalin Ayman.

Ad

Macallin Ayman ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarro ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lala beegsaday Saldhigii Mareykanka ee Manda-Bay iyo ciidamda Kenya iyo weerarro badan oo loo maleegay shacabka Soomaaliyeed.

Macalin Ayman ayaa waxaa xayiraad saaray Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu ahaa aasaasaha ‘Jeysh-Ayman’ oo ah guuto Al-shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa abaal marin lacageed madaxiisa saaray Macalin Ayman, iyadoo loo daba joogay weerarkii Manda-Bay oo askar Mareykan ah iyo Qandaraaslayaal lagu dilay.

- Advertisement -

Dhinaca kale War-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inuu qaaday duqeyn cirka ahoo 17-kii Bishan December lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee deegaankaasi, kaasoo aanay magacaabin, balse aanu jirin wax khasaare ah oo dadka shacabka kasoo gaaray weerarka.

Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON