Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar cusub ugu baxay dalka Kuwait 48 saac kadib markii uu ka soo laabtay socdaal kale oo uu ku maray dalalka Uganda.
Xasan Sheekh ayaa safarkiisa cusub oo uu caawa ku gaaray dalka Kuwait lagu sheegay inuu ahaa ‘booqasho-tacsiyeed’, wuxuuna tacsi la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax.
Madaxtooyda Soomaaliya ayaa shaacisay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh siday dhambaalka tacsida ee shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.
Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dibadda ee dalka Kuwait u tegay ka qeybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait.
Safarrada Madaxweynaha ee dibadda oo is daba joog ahaa, ayaa hadda isu bedelay toddobaadle, taasoo rikoor cusub u dhigeysa madaxda Soomaalida.