Sunday, March 23, 2025

Ciidamada Dowlada oo Dib u qabsaday Mesogowaay iyo Wararkii ugu danbeeyay

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dib ugu laabtay oo markale maanta la wareegay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka baxeen Maleeshiyadii Alshabaab.

Dib u qabsashada Mesogowaay ayaa timid, iyadoo dib loo abaabulay ciidamada dowladda oo degaanada Koonfurta iyo Bariga Galgaduud ka baxay, kadib dagaalkii Cowsweyne ee Qasaarah badan dhaliyay ee bishii Ogost 2023.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in Masagawaa laga Cayriyay Khawaarijta, qaybo badan oo ka mid ah Bariga Galguduud-na uu ka ocdo baacsigood, sida uu yiri.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay degaanadaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq milateri, kuna wajahan yihiin degaano ay ka mid tahay degmada Ceeldheer.

Alshabaab ayaa dhowaanahan qaadin weerarro, lamana oga qorshahooda gulufka cusub ee ciidamada dowladda ka bilaabeen Gobolka Galgaduud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON