Iyadoo aysan weli Hay’adaha Amniga Dowlada Soomaaliya wax faahfaahin ka bixin Weerarkii 10-kii Bishan Ferbaayo 2024 ka dhacay Xerada Jeneraal Gordon ee lagu dilay saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo baxaya xog dheeraad ah oo laga helayo Askarigii weerarkaasi fuliyay.
Askariga falka geystay oo Alshabaab ay sheegatay inuu ka mid ahaa xubnahooda ayaa la xaqiijiyey in ciidan ahaan looga soo qoray Gobolka Bakool, waxaa lagu magacaabi jiray Mustaf Mukhtaar Adan.
Mustaf oo 23 sano jir ah ayaa ka mid noqday ciidamadii ugu danbeeyay ee dowladda Soomaaliya ay u tababareen Imaaraadka, iyadoo tababar loogu qaaday dalka Uganda, kadibna wuxuu ka mid noqday ciidamada loo xulay ilaalada xarunta Xerada Jen. Gordan iyo madaxda Imaaraadka.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegayey inuu askarigan damiin ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, balse xogta la helay ayaa sheegeysa inuu damiin ahaan ugu qoran yahay xildhibaan C/qaadir Cumar Macalin.
Dhinaca kale Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa shaaciyay in ninka fuliyey weerarka Mustafa Mukhtaar Aadan oo 27 sano jir ahaa, uu ka soo jeedo degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Askarigan Mustaf Mukhtaar Adan ayaa la tuhunsan yahay inuu isagoo Alshabaab ka tirsan uu qortay ciidamada dowladda, wuxuuna fuliyay weerar culus oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 10 sarkaal oo Imaaraadka u dhashay iyo qaar kale oo ajnabi ah.
Askarigan ayaa toogasho lahu dilay, kadib markii uu fuliyey weerarka uu socday muddo daqiiqado ah, una muuqday mid si weyn loo qorsheeyay, waxaana ilaa hadda la suagayaa baaritaanka hay’adahadowladda Federaalka.