Thursday, May 2, 2024

Dowladda Somalia oo faahfaahin ka bixisay Qarixii Xarunta G/Banadir & Qasaaraha..

Dowladda Somalia ayaa War kasoo saartay qarax galabta ka dhacay xarunta maamulka G/banaadir ee magaalada Muqdisho oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Shir jaraa’id oo ay goor xarunta Dowladda Hoose ku qabteen Wasiirka WarfaafintaXukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banaadir ayay ku sheegeen in qaraxa uu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay inay weerarka uu ahaa mid argigixiso ayna ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka Banadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.

Ad

Sida qaraxu u dhacay ayuu Wasiirka Warfaafinta sheegay in Hay’adaha Ammaanka wadaan baaritaan ku saabsan, ayna dib kasoo sheegi doonaan faahfaahinta, waxaana shir jaraa’id ku wehliyey wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON