Xarakada Alshabaab ayaa goor dhoweyd war kasoo saartay Qaraxa galabta ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ay mas’uuiyadiisa lahayd Alshabaab, iyadoo lagu beegsaday madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka hor qaraxa ka tegay Xarunta Gobolka banaadir oo uu kula kulmay madaxda Maamulka Gobolka.
Afhayeenka ciidamada Al Shabaab C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay ‘in Alshabaab ay howlgal si heer sare loo abaabulay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna intaas ku daray in bartilmaameedku ahaa madaxa UN u jooga Soomaaliya James Swan oo halkaas uga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan G/banaadir.
Alshabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku beegsatay wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay, laakiin waxaa muuqata inuu ka dib dhacay qaraxa oo ka dhacay gudaha xarunta looga taliyo Gobolka banaadir waxaana dhaawac culus kasoo gaaray guddoomiyaha G/banaadir C/raxmaan Yariisow, iyadoo ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen mas’uuliyiin kala duwan.