Thursday, May 2, 2024

Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya oo is-casilay iyo Xog laga helay sababta

Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa la sheegay inuu xilka iska casilay suida ay sheegeen Warar laga helay Madaxtooyada Soomaaliya.

Is-casilaadda Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud ayaa la xaqiijiyey, waxaana si rasmi ah Qoraalka is-casilaadiisa Agaasimihii Guud Madaxtooyada loo gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shaqo ka tegista agaasimihii Madaxtooyada ay la xiriirto inuu isu diyaarinayo musharaxnimada xilka Madaxweyne Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Ad

Agaasimaha Madaxtooyada ee is-casilay waxaa xilka loo magacaabay 23 May 2022, Isla markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiska la wareegay, isagoo xilka ka tegaya sanad kadib.

Tartanka Ololaha xilka ugu sareeya Maamulka K/Galbeed ayaa siyaasiyiin badan isu diyaariayaan xilli hore, iyadoo Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen uu hadda xilka ku joogo muddo kordhin sanad ah oo ku timid Heshiis ay kasoo shaqeeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Lama oga sida la isu waafajinayo Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda maamul Goboleedyada xilalka loogu kordhiyay ilaa sanadka 2024 iyo Maamulka K/Galbeed oo mucaarad badan ay diidan yihiin muddo kordhin kale.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON