Thursday, April 24, 2025

Wasiirka Cadaaladda oo Dirqi uga badbaaday inay Cod u qaadaan Golaha Shacabka

Xildhibaaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa intooda badan soo jeediyay in cod loo qaado oo kalsoonida lagala noqdo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallim Maxamuud.

Arrintan ayaa timid kadib markii wasiirka muddo ka badan hal saac kasoo dib dhacay waqtigii lagu wargeliyay inuu Golaha hor yimaado si uu uga hor akhriyo Hindisaha Kaalmo sharciyeedka Federaalka oo markii labaad maanta akhrintiisa la baajiyay.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu xilli hore tegay xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanku ku shiraan, kadibna uu arrimo u gaara u baxay, balse markii la furay fadhigii Baarlamaanka uu kasoo daahay, taasoo keentay inay xildhibaanno badan soo jeediyaan in cod loo qaado.

Ad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa amray Wasiirka inuu iska baxo, iyadoo Golaha uu go’aan ka gaarayo arrintiisa, taasoo xildhibaannadu u riyaaqeen,

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay ficilka ay markii labaad Wasaaradda iyo Wasiirka cadaaladda ku kaceen ay Xildhibaannada u arkeen yareysi iyo ilhaano lagula kacayo Golaha.

Dood dheer kadib oo xildhibaanno badan ay qabeen in cod loo qaado Wasiirka si ay Ra’iisal wasaaraha ufaraan inuu xilka ka qaado ayaa ugu danbeyn waxaa go’aankii noqday in digniin loo diro.

- Advertisement -

Wasiir Xasan Macalin ayaa ka mida saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna isku hayaa wasaaradaha Cadaaladda iyo Dastuurka, waxaana uu maanta ku sigtay inay awoodooda ku tijaabiyaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON