Friday, May 3, 2024

XOG: Imaaraadka Carabta oo casuumaad u fidisay Qaar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay casuumaa u soo dirtay qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyn is xig-xigay oo Imaaraadku qaatay kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya markii ciidamada ammaanka ay garoonka Muqdisho ku qabteen lacag u socotay safaaradda Imaaraadka Carabta 8-dii April 2018.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maamulkiisu heshiisyo amni iyo kuwo dhaqaale kula jiro Imaaraadka ayaa la sheegay inuu dhowaan tegi doono Abu Dhabi, waxaana sidoo kale casuumaad la mida lagu wadaa inay Imaaraadka ku tagaan madaxweynayaasha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ad

Imaaradka ayaa ku dhaqaaqay tallaabooyin ay ka mid yihiin;  inuu joojiyey tababarki iyo taageeradii ciidamada Soomaaliya iyo inuu joojiyey shaqadii Isbitaalka Sheekh Zaid ee magaalada Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa tallaabooyin cusub inuu qaado.

Waxaa dhowaan gaaray Imaaraadka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana hore uu sugnaa ra’iisal wasaarihi hore Cumar C/rashiid oo ka mida la-taliyeyaasha xukuumadda Abu Dhabi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON