Friday, May 3, 2024

Xildhibaan C/shakur C. Mire: “Xisbi ku sheegyadii taageeray Axmed Madoobe ayaa hadda eedeynaya Shirkii Galmudug”

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhaliilay xisbiyada siyaasadeed ee la diiwaangeliyey isagoo ku eedeeyay inay siyaasad laba-wejillenimo ah ku dhaqmayaan.

Xildhibaankan oo si weyn u taageera Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in waxa loogu yeero xisbiyada siyaasadda sida uu yiri oo hore u taageeray doorashadii sharci-darrada ahayd ee Jubbaland ay hadda cambaareynayaan qodobadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug, wuxuuna siyaasiyiintan ku tilmaamay kuwo mowqifyadooda is burrinayaan oo laba wejiilayaal ah.

“Waxa loogu yeero xisbiyada siyaasadda ee hore u taageeray nidaamka doorashadii sharci darrada ahaa ee Jubbaland ayaa hadda cambaareynaa natiijadii kasoo baxday shirkii dib u heshiisiinta Galmudug. Mowqifyada iska horjeeda iyo siyaasadda laba wejiilenimada waxay caddeyn u tahay inay danaystayaal yihiin..” ayuu xildhibaan C/shakuur Cali Mire ku yiri qoraal uu ku weerarray shan xisbi siyaasadeed oo xalay war-saxaafadeed soo saaray.

Ad

Xisbiyada ay hoggaamiyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka mid ahaa shan xisbi siyaasadeed oo uga digay dowladda Somalia inay afduubato dhismaha maamulka Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON