Saturday, May 4, 2024

Xildhibaan Fiqi oo jawaab kulul u diray Farmaajo (Villa Somalia waxay baahi u qabtaa hogaamiye xikmad iyo xilkas ah)

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa jawaab kulul u diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo sheegay inuu u gefay guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xildhibaanadii keenay mooshinkii ka dhanka ahaa.

Qoraal dheer ayuu ku faahfaahiyey hadalkii uu kaftanka ku sheegay Madaxweyne Farmaajo ee uu xalay ka jeediyey xafladii xeritaanka  kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, taasoo uu madaxweyne Farmaajo ku weerarray kooxdii Qabyo iyo madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN FIQI

Xalay ma tagin cashadii xildhibaanada loo sameeyey, waayo waxaa ii muuqatay in aanan xikmad badan ka soo kororsanayn hadalada dharag dhacsiga ah ee mar walba ka soo bixi kara mas’uuliyiinta aan siyaasad ahaanta u bisleyn ee dawladnimadaba u heysta faan iyo faduul.

Hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sidii qur’aankii uga baxey ee uu ku sheegay kaftanka, ma ahayn kaftan ee wuxuu ahaa mid uu u gefey: guddoomiyaha golaha shacabka, kana been-sheegay xildhibaanadii mooshinka ka keenay, asagoo uu marmarsiyoonaya in uu caayo dawladdii xukunka uga horeysay.

Guddoomiye Mursal oo ahaa ninkiii: biyaha, korantada iyo raashinka markii laga goostey ka qaxay Madaxtooyada illaa iyo haddana ka Maqan ma aheyn in uu raalli ka noqdo in Farmaajo uu ka dhigto jaranjaro uu dad uu caayayo u sii maro, waxeyna aheyd in uu ka bixiyo jawaabta ku haboon, laakin inuu hadaladaas cantara-baqashka ah u camiro lagama fileyn!

Madaxweynuhu haddii uu geesi yahay waxey aheyd mudadii bisha ku dhoweyd ee mooshinkaasi ka yaalley ee uu ku mashquulsanaa koronto iyo biyo jarowga, albaabo qufulowga iyo ciidamo wax ku aragagixinta in uu hadlo, laakin hadaladaan ka daba-tuurka ah waa kuwo waqtigoodii dhacey.

Tan kale, haddii mudane Farmaajo uu ku eedeeyey koox qabyo la yiraahdo in ay mooshinka ka danbeeyeen, uuna inkiray in xildhibaanno boqol ku dhow ay mooshin ka keeneen, waxaan iyana u malaynayaa inuu hadalka u duur-xulayey raysul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa ninka labaad ee Qabyo ugu tunka weynaa oo meesha fadhiyey, oo asna qosolka ku kaalmeynayey markii la caayayey.

Marka madxaweynuhu hadalkiisii u ekaa mid la soo google-gareeyey, wuxuu ahaa mid gogoshii cashada dadkii isugu yimid, xildhibaanadii, guddoomiyihii iyo raysulwasaarihiiba wada jaa’ifeeyey, waxaana muuqata in mudane Farmaajo khudbooyinkiisii u danbeeyey ay ahaayeen kuwo diiraddu ka maqan tahay, dadka dhageysta oo jeclaa in hogaamiyaha dalkooda uu sidaan ka xikmad badnaanaadana waxey ku reebeen quus iyo niyad-jab, laakin waxaan hubaa in maalmuhu is-gurayaan, villa Soomaaliyana ay baahi u qabto hogaamiye xikmad iyo xilkas ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON