Thursday, May 2, 2024

Xasan Sheekh: “Waxba iskama bedelin mowqifka Midowga Musharixiinta ee Doorashada..”

Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan waxba iska bedelin mowqifkood, Kadib kulan ay yeesheen Madasha wadatashiga Qaran, Guddiga doorashooyinka heer Faderaal iyo xubno matalayay golaha midowga Musharixiinta.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: “Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran & Midowga Musharaxiinta waxaan uga wada hadlnay sida doorashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban. Midowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah”.

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa raaciyay  “Kulankii xalay waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Midowga Musharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo”.

Ad

Arrinta ayaa daba socota kulan uu xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo xubno matalayay golaha midowga Musharixiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON