Thursday, May 2, 2024

Wasiiru-dowle ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare

Iyadoo ay doorashada Kuraas ka tirsan Aqalka Sare ka socoto magaalada Baydhaba ayaa waxaa kursigii saddexaad kusoo baxay Wasiiru-dowle ka tisan Xukuumadda Federaalka oo lasii ogaa.

Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ahaa Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u Heshiisinta Xukuumada Federalka Soomaliya ayaa codad badan oo aqlabiyad ah ku guuleystay kursiga Aqalka Sare, isgoo uu kula tartamay musharax lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan oo aan wax saameyn ah lahayn.

Natiijada ayaa noqotay inuusan tartan ka dhicin oo uu si fudud kusoo baxay wasiiru dowlaha Aadan Cabdinaasir Maxamed oo si weyn loogu sadaaliyey xilkan.

Ad

Aadan C/naasir ayaa helay codad gaaraya: 80, halka Maxamed Xasan uu helay: 6 cod, iyadoo ay xumaatay 6 cod, xildhibaannada K/Galbeed ee coddeeyay ayaa ahaa 92 xildhibaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON