Friday, May 3, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo socdal lama filaan ah ku tegay Magaalada Hargeysa.

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh halkaasi lagu soo dhoweeyay.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, iyadoo loo galbiyey Madaxtooyada Somaliland, waxaana loo xiray wadaddda weyn ee hormarta xarunta Madaxtooyada Somalialnd.

Eritrea ayaan weli wax war ah kasoo saarin socdaalka wasiirkeeda Arrimaha dibadda ku tegay Somaliland, sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland, waxayna wararku sheegayaan in wafdiga uu ka mid yahay qorshaha is-dhexgalka Geeska Afrika ee uu wado Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Ad

Eritrea ayaa ka mida isbaheysiga Geeska Afrika ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea, waxaana madaxweynaha Eritrea uu xiriir fiican la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya iyadoo aan la ogeyn doorka ay Eritrea ka ciyaari karto isu soo dhoweynta dowladda Somalia iyo Maamulka Hargeysa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON