Friday, May 3, 2024

Wasiir C/risaaq: “Ciidamada Imaaraadku tababarray kama amar qaataan dowladda, Gaashaan & Danab-na Mareykanka ayay hoos tagaan..” DAAWO

Wasiikii hore ee Amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta aanay ka amar qaadan taliska Ciidanka Milateriga.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in ciidamada Imaaradka ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhex maray Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, wuxuuna caddeeyay inaysan weli daacad u ahayn ciidamadaasi dowladda Soomaaliya.

“Imaaraadka Carabta waa sax xero ciidan ayay ku leeyihiin Muqdisho, laakiin ciidamada tababarka loo dhameeyay, waxay awaamiirta ka qaataan Imaaraadka, inkastoo Ciidamo Soomaaliyeed yihiin, balse uma dhega nugla Taliska Ciidanka, intii aan Wasiirka ahaa, waxaa jiray isku dhac iyaga, Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska dhex martay, is faham la’aanta jirta ayay qeyb ka tahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.

Ad
Wasiikii hore ee Amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed
Wasiikii hore ee Amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed

Ciidamada ay tababarreen Mareykanka ee NISA sida Gaashaan iyo kuwa DANAB ayuu sheegay in marka howlgal loogu baahdo loo maro saraakiisha Mareykanka oo aanay toos u hoos imaan taliska Nabadsugidda.

DHAGEYSO

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON