Thursday, May 2, 2024

Wasaaradda Amniga oo War-Cad kasoo saartay shilkii dhex maray Ciidamada NISA & Xildhibaan C/llaahi M. Nuur [Akhriso]

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa War-cad kasoo saartay dhacdadii uu ku lug lahaa xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo Arbacadii ka dhacay agagaarka KM 0 ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo aan lagu soo hadal qaadin Xildhibaanka sheegtay inuu ka badbaaday rasaas ay ku fureen ciidamada NISA ayaa lagu sheegay in waxa goobta ka dhacay ay ahayd hal xabbad oo hawada loo diray oo digniin ahaan loogu riday gaari bartaasi ka gudbay.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay inay baareyso kiiskaasi, waxayna been abuur ku tilmaamay wararka laga faafiyey ciidamada amniga, iyadoo ugu baaqday mas’uuliyiinta iyo xildhibaanada inaysan ka qeyb qaadan faafinta wararkaasi.

Ad

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo shalay galabnimadii abbaarahihii 5: 30 Galabnimo 23-ka May 2018 ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga Caasimadda ee KM 0 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool. Wasaaradda Amniga waxay caddeyneysaa in ay billowday baaritaan dhacdadaas la xiriira.

Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.

=DHAMMAAD=

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON