Laba nin ayaa weerar qarax loo adeegsaday ku qaaday Baar ku yaalla dalka Canada, halkaasoo ay ku dhaawacmeen 15 qof, iyadoo kadibna baxsaday.
Booliiska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla gobolka Ontario kadibna ay aalad ku qarxiyeeen oo baxsadeen iyadoo ay socdaan baaritaan lagu hayo ragga falkaasi geystay.
Saraakiisha ayaa sheegay in afar qof ay si darran ugu dhaawacmeen qaraxa oo habeenkii khamiista ka dhacay maqaayadda Bombay Bhel ee magaalada Mississauga, ee gobolka Ontario, Baarka ayaa la sheegay inay lahaayeen dad Hindi ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 12 qof oo kale uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa. Dadka lagu tuhmayo qaraxan ayaan la qabin. Sidoo kale ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Booliiska ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka gaystaan soo qabashada tuhmanayaasha, waxayna sii daayeen muuqaallada raggan oo galaya maqaayadda, hase yeeshee wejiyada soo dabooshay.