Dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyada Macaawisleyda dhinac ah iyo kooxda Al Shabaab ayaa kas ocda deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay degaanada Beero-yabaal iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalku ahaa midkii ugu cuslaa dhowaanahan ku dhex mara labada dhinac.
Ciidamada dowladda iyo Macaawisleyd ayaa qaaday weerarka kadib markii ay ka war heleen maleeshiyo Al-shabaab ka tirsan oo isku urursanayey deegaannadan ka tirsan gobolka Hiiraan.
Qasaaraha dagaalkan cusub ayaa soo baxaya, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in diyaaradaha Drone-ka ay qeyb ka ahaayeen weerarka oo ay duqeeyeen goobihii Alshabaab ku sugnaayeen.
Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa faahfaahinta weerarka ka dhacay degaanada ka tirsan Gobolka Hiiraan.