Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Fadhigan ayaa ajendihiisu ahaa sida Guddoonka soo diyaariyay la-xisaabtanka xukuumadda oo lagu bilaabayo Wasiirka Amniga Gudaha, balse waxaa ajendaha ka hor yimid xildibaanno soo jeediyay qaraar wax ka bedel.
30 Xildhibaan ayaa gudbiyay Mooshin wax ka bedel Ajende iyo hab maamulka Golaha, waxaana kulanka ka hor akhriyay xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo sheegay inay cabasho ka jirto habsami u socodka maamulka Golaha.
Xildhibannadan ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in maamulka Golaha lagu soo celiyo u hoggaansanka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka iyo Dastuurka, waxayna caddeeyeen inay marin habaabin tahay in Wasiirka Amniga la keeno Golaha iyadoo aan la ogeyn.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Warqadda ay soo diyaarisay Wasiiro hor imaanaya Baarlamaanka muddo 3 bilood ah, iyadoo aanay ogeyn, markii wasiir loo yeerayo aysan ahayn sida hadda wax lagu wado.
Xildhibaan Jeesow ayaa ku dooday in saddexda Bilood ee soo socda la doonayo in la mashquuliyo Xildhibaannada oo ay ahayd inay Dastuurka ka shaqeeyaan kalfadhigan.
Fadhiga ayaa weli socda, iyadoo xildhibaannada qaarkood ay diidan yihiin in Wasiir aanay u yeeran la hor keeno Golaha.
Xildhibaan C/ladiif Nuur Sanyare ayaa iska kulanka ka sheegay inuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sharci darro ku dhaqaaqay markii uu Guddi hoosaad magacaabay.
Kulanka ayaa waxaa ka taagan xiisad iyo sawaxan badan, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ka codsaday xildhibaannada inay sharciga ilaaliyaan, isagoo soo jeediyay in cod loo qaado soo jeedinta xildhibaannada in lagu daro ajendaha.
Buuq ayaa hareeya fadhigii Golaha waxayna xildhibaannada Mucaaradka ku ah Guddoonka ay buuq ka wadaan fadhiga oo isu bedelay fowdo, iyadoo laga biyo diidan yahay qaabka Guddoonka u wado shirka.
Xildhibaannada ayaa intooda badan taagan, waxaana fadhiga Golaha ka socda fowdo keenay in kulanku socon waayo, markii xildhibaanada Mooshinka wada ay diideen in cod loo qaado qodobka ay doonayeen, iyadoo raba in la fasaxo Wasiirka Amniga, halka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku adkeysanayo in marka hore ajendaha cod loo qaado.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..