Saturday, May 17, 2025

Baarlamaanka oo bilaabaya La- xisaabtanka Xukuumadda iyo Wasiirka ugu horeeya

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Berri yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay kalfadhiga saddexaad ee socda intii ay fasaxa Xajka iyo Ciidul Adxaa kasoo laabteen.

Kulanka Berri ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray fariinta ku saabsan ajendaha horyaalla oo ah Wasiirkii ugu horeeyay ee hortegaya Golaha, kana mida xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ajendaha ahaa lagu sheegay Warbixinta iyo La-xisaabtanka Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Dr. Doodisho), iyadoo xukuumadda ay soo saartay Liiska wasiirada iyo maalmaha ay hor tegayaan Golaha Shacabka.

Ad

Ra’iisal wasaaraha iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulan ay yeesheen uga hadlay xisaabtanka xukuumadda iyo sidi wasiirada u hortegi lahaayeen Baarlamaanka oo hadda heshiis la agaaray.

Liiska Golaha Xubnaha Golaha Wasiirada ee hortegaya Baarlamaanka ayaa ka kooban 25 wasiir oo socon doona ilaa 30-ka September 2023.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON