Friday, May 3, 2024

Waa kuma ku-simaha Madaxweynaha Somaliya ee xilligan.? [Saddex mas’uul oo dalka ka maqan]

Iyadoo dalka ka wada maqan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka aya waxaa ku-sime Madaxweyne Dalka ka noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa shaqadii ugu horeysay maanta ku dhaqaaqay, isagoo xilkan haya, wuxuuna kormeer ku tagay Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaaladda Muqdisho.

Wuxuu xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka, wuxuuna u sheegay in madaxda qaranka ay ku dadaali doonaan siddii ciidanka xooga dalka ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Ad

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarradiisa dibadda ay noqdeen joogto ah, waxaana la mida guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo inta uu Baarlamaanku fasaxa ku jiro ku maqan dalka Turkiga oo qoyskiisu degan yahay, laakiin waxaa xilligan ku soo beegmay iyadoo guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Baarlamaanku C/weli Muudey isna dalka ka maqan yahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON