Saturday, May 4, 2024

Turkiga oo ka hor yimid Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, si buuxdana u taageeray..

Dowladda Turkiga ayaa sui buuxda u taageertay Qaranimada iyo Midbinada Dhulka Soomaaliyeed, iyadoo ka hor timid heshiiska ay dowladda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ee la sheegay in looga kireeyay Dhul iyo bad ka mida Soomaaliya.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga Mr. Öncü Keçeli, oo ka jawaabayey su’aal la ku saabsan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen January 1, 2024 ayaa sheegay in Turkiga uu si wey uga walaacsan tahay heshiiskaasi.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskii Is-fahamka Iskaashiga iyo Iskaashiga Itoobiya iyo Somaliland aan ogolaansho looga haysan dawladda Soomaaliya.

Ad

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku adkeysaneyna in arrintan jebineyso sharciga caalamiga ah”.” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Turkiga wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo wadahadal toos ah oo dhex mara Soomaaliya iyo Somalilan si loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON