Mushariixiinta Mucaaradka Doorashada Puntland ayaa u midoobay sidii ay isbedel uga sameyn lahaayeen Puntland, meesha uga saari lahaayeen Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Siciid C/llaahi Deni oo u tartamaya in dib loo doorto.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Musharixiinta Madaxweynaha ee xilka kula tartamaya Siciid Deni ayaa lagu caddeeyay inay u mideysan yihiin inuu isbedel ka dhaco Puntland, isla markaana Puntland laga badbaadiyay xaaladda uu abuuray madaxweynihii hore ee Deni.
Shantii sano ee Siciid Deni xilka hayey ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa ee soo mara Puntland, waxayna ugu baaqeen xildhibaannada cusub ee Puntland inay sameeyeen isbedelka Puntland u baahan tahay.
Dhinaca kale Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo Musharraxa Madaxweynaha oo ay ugu weyn tahay inuu bixiyo lacag dhan $30,000 Dollar, halka ku xigeenka laga rabo $15,000 oo diwaangelin ah.
Rajada dib u doorashada Siciid Deni ayaa sare u kacday markii la doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo ahaa nin u dhow Deni, balse wararka ayaa sheegaya in Siciid Deni ay heystaan dhibaatooyin culus oo uu ku weyn karo Doorashada 8-da Janaayo 2024.