Saturday, January 25, 2025

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dalalka Islaamka oo Garab istaagay Dowladda Somaliya

Iyadoo ay socdaan mowqifyada dalalka iyo ururrada caalamiga ah ka qaadanayaan xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa waxaa Soomaaliya garab istaagay ururka Jaamacadda Carabta iyo ururweynaha Dalalka Islaamka.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa War qoraal ah uu soo saaray si adag uga hor yimid heshiiska dowladda Itoobiya la gashay Somaliland iyo damaceeda ah inay ku hesho Marin Badeed ka tirsan Dhulka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Ururka OIC ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Madax-bannaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Ad

Dhinac kale ururka Jaamcadda Carabta ayaa cambaareeyay falka Itoobiya ku kacday, isagoo caddeeyay inay lama taabtaan ahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Qaranimada dalkaasi.

Waxaa hore si buuxda Soomaaliya u taageeray Midowga Yurub oo qoraal uu soo saaray ku caddeeyay inaan lagu xadgudbi karin Midnimada Dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON