Friday, May 3, 2024

Taliye cusub oo loo magacaabay Nabadsugidda G/Banaadir kadib fakashadii taliyihii hore

Hay’ada Nabadsugidda Qaranka ayaa xilkii uu hayay ka wareejisay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo Goobjooge.com ay dhowaan soo shaac bixisay  inuu iska dhiibay Yurub, kana goostay xilkii uu hayay. waxaana booskiisa loo magacaabay C/xakiin Farey oo ka mid ahaa saraakiisha Nabadsugida oo madaxtooyada u qaabilsanaa ilaalada gaarka ah.

Koofi-iyo-Shaaweeye

[ad name=”HTML-2″]

Ad

Magacaabidda C/xakiin Farey ayaa dhinaca kale saameyn ku yeelatay ku xigeenkii Taliye xigeenkii Nabadsugidda Gobolka Banaadir C/fataax Shaaweeye oo isna xilkii laga qaaday laguna bedelay sarkaal kale iyadoo taliyaha cusub ee Nabadsugidda iyo kuxigeenkiisii ay noqdeen isku heyb.

Hay’adda Nabad sugidda Qaranka oo ah hay’adaha ammaanka ugu tunka weyn ayaa isbedelo badan oo dhinaca hogaanka ahi ku dhaceen, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo mar waliba loo magacaabo xubno aan wax aqoon ah u lahayn arrimaha sirdoonka.

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON