Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee la filayay in maanta lagu ansixiyo 4 cusub oo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa dib u dhacay, iyadoo ay soo baxeen xaalado cusub oo hareeyay qodobadii ugu adkaa.
Shirar u socday Guddiyada Dastuurka, Guddoonka Dastuurka iyo Madaxweynaha ayaa galay xaalad xasaasi ah, kadib markii ay bilaabatay diyaarinta Nuqulka ugu danbeeya, waxaana la sheegay inay isbedel lagu sameeyay qodobadii ugu adkaa ee Madaxtooyada ay wadatay.
Qoddobadda sida ugu muhiimsan sida, tirada Xisbiyada oo Madaxtooyadu dooneysay in laga dhigo 2 xisbi iyo qaab dhismeedka dowladda Federaalka oo madaxtooyadu wadatay in la qaato nidaam toos ah oo Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah ayaa la sheegay inuu tanaasul ka muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa shalay la wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah, kaasoo ah Nuqulka lagu soo daray doodii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka.
Nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1–4aad ee Dastuurka KMG ah loobadalay luqad dastuur, balse isbedelka cusub ee lagu qorayo Nuqulka ugu danbeeya ayaa dhaliyay inay ka gadoodaan xubnaha beelaha Digil iyo Mirifle.
Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ayaa Khamiista Berri yeelanaya fadhigii loogu qeybinayo Nuqulkii ugu denbeeyay ee Dastuurka, siiba 4-ta cutub ee isbedelka lagu sameeyay, kaasoo loo codeyn doono isla toddobaadka soo socda.