Saturday, May 4, 2024

Soonkii Bisha Ramadaan ayaa ka danbeeyay guuldaraddii Xulka Masar ka qabsatay Koobka Adduunka 2018..!

Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta ee dalka Masar ee (EFA) Hani Abo Rida ayaa sheegay in Ramadaankii ka horeeyay Koobka aduunka uu saameeyay ololaha ciyaaryahanada ka qaybgalaysa tartanka koobka adduunka ee Ruushka.

Ciyaartooyda Masar ayaa waxa ay go’aansadeen in ay Soomaan bisha Ramadan oo dhammaatay maalin ka hor furitaankii ciyaaraha oo lagu bilaabay dalka Masar. Masar ayaa lagaga adkaaday dhammaan kulamadii ay la ciyaartay dalalka Uruguay, Ruushka iyo Sacuudiga, iyadoo xulka dalkaasi oo weji gabax kala soo noqday Ruushka.

“Si xun ayay noo saamaysay, waan la hadlay koobka aduunka ka hor balse way diideen in ay Soonka furan, Waxa uu Ramadaanka dhammaaday maalin ka hor furitaanka koobka aduunka balse Soonka ayaa saameeyay ciyaartoyda .”ayuu yiri  Hani Abo Rida oo sii raaciyey: “Waxaan kuu xaqiijin karaa in wadamo badan oo carab ah ay ciyaaryahanadooda ay fureen soonka.”

Ad

Madaxa ururka kubadda cagta ee dalka Masar ee loos oo gaabiyo (EFA) Hany Abo Rida ayaa sidoo kale sheegay in imika ay raadinayaan tababare cusub oo badala Hector Cuper oo jagada baneeyay ka dib guuldaradii Masar ee koobka aduunka.

Masar ayaa si guuldarada uga soo kabsato waxa ay imika diirada saaraysaa sidii ay ugu guulaysan lahayd koobka kubadda cagta ee qaarada Afrika ee sanada 2019 kaasi oo lagu qabanayo dalka Comeroon.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON