Sunday, April 27, 2025

Faahfaahin: Gabar weriye ahayd oo lagu dhaawacay Muqdisho & Qofkii ka dambeeyay oo la qabtay

Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dhaawacay gabar weriye ah oo ka mida shaqaalaha Warbaahinta dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho iyo SNTV.

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furtay Farxiyo Mire xilli ay ku sugneyd agagaarka Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawac culus ka gaaray Caloosha iyo lug, iyadoo la sheegay in la qabtay ninkii ka danbeeyay isku dayga dil ee weriyaha lagula kacay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay qabteen ninkii ka damneeyay falka, waxaana socda baaritaan kiiskan lagu hayo, isagoo noqonaya kii ugu horeeyay ee ciidamada amniga ay gacanta ku dhigaan qof isku dayey inuu khaarijiyo weriye isla markii uu falka geystay.

Ad

Xaaladda Weriye Farhiya Mire ayaa lagula tacaalayaa mid ka mida isbitaaladda Muqdisho iyadoo xaaladeeda ay culus tahay, balse ay degan tahay waxayna rasaastu ka haleeshay caloosha iyo lugta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON