Saturday, January 25, 2025

Barta Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo si lama filaan ah u dalbatay inuu is casilo Madaxweyne Trump

Khamiistii, waaxda difaaca ee Mareykanka waxay si kama ah u sii baahisay qoraal ku baaqayay in madaxweyne Trump uu is casilo.

Qoraalka Twitter-ka la geliyay oo sidoo kale ku baaqayay in labo siyaasi oo lagu eedeeyay xadgudub kalmo ay is casilaan, waxaa markii hore billaabay Proud Resister oo ah qof ku can baxay mucaaradidda Trump.

Waxaa lagu yiri: “Xalku wuu fudud yahay. Roy Moore: ka har tartanka. Al Franken: iska casil Gongress-ka. Donald Trump: iska casil xilka madaxweynaha. GOP: joojiya xadgudubyada galmo iyo kala qeybinta. Waa dembi maadaama ay tahay khiyaanadiina.”

Ad

Barta guud ee waaxda difaaca Mareykanka ee Twitter-ka ayaa farriinta sii baahisay oo u sii gudbiyay 5.2 milyan oo qof oo ku xiran bartaas, balse si degdeg ah ayey ku tirtireen.

Laakiin farriinta ma aysan noqon mid aan la arak. Dad badan ayaa sawirro ka qaaday dibna u soo bandhigay, jawaabta laga bixiyayna waxay ahayd mid si degdeg ah ku sii baahday.

- Advertisement -

“Uh qof ayaa qalad sameeyay,” ayuu soo qoray mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka.

Qofkale ayaa yiri: “Waxay u muuqataa qofkii horay uga shaqeyn jiray shirkadda Twitter-ka in uu taageero ka helay Pentagon-ka.”

Wuxuu tixraacayay qof u shaqeynayay shirkadda oo horraantii bishan xiray barta Twitter-ka ee Donald Trump.

Barta madaxweyne Trump ayaa hawada ka maqneyd 11 daqiiqo, laakiin waxaa soo baxay su’aalo la xiriira amniga barta madaxweynaha Mareykanka.

- Advertisement -

Dadka is ticmaala baraha bulshada kumeysan farxin farriinta uu Pentagon-ka sii baahiyay.

“Ma waxaan aamineynaa in si qalad ah loo sameeyay arrintan? Waa in qof u shaqeeya waaxda difaaca iyo qof kastoo caawiyay shaqada laga tiraa,” ayuu soo qoray qof Twitter-ka is ticmaala.

Mid kale ayaa ka eegay dhanka xiisaha leh wuxuuna soo qoray: “Afgembi ma dhicin. Madaxweynaha wuu nabad qabaa”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON