Thursday, May 2, 2024

SAWIRRO: Wasaaradda Maaliyadda Bandhig Weyn ku qabatay Muqdisho & Kheyre oo ka qeyb galay

Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qabtay bandhig si-muujin ah oo lagu soo bandhigay waxqabadka wasaaradda iyo guulaha ay gaartay.

Bandhigga oo ka dhacay Hotelka Royal Palace ee Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyadoo uu soo qabanqaabiyey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle, waxaa kaloo ku sugnaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Munaasabaddaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in Wasaaradda Maaliyadda ay soo bandhigtay fursad Maaliyeed oo fiican, islamarkaana uu haggaagay hoggaanka sare ee Dalka, iyaddoo xustay in Dowladda Soomaaliya ay waxqabadan ka qabatay ka hortagga Musuq-maasuqa iyo wax isdabamarinta.

Ad

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Sanadkii dhammaaday ee 2017 uu u qabsoomay wax badan oo ay ka mid tahay haggaajinta Maaliyadda, in Maamulka hawada Soomaaliya markii ugu horreeysay 27 kadib loo soo wareejiyey Magaaladda Muqdisho iyo kuwa kale, isaggoo ku baaqay in Ummadda Soomaaliyeed ay isku tashato oo aysan sugin Kaalmo shisheeye.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle, ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay aamineen Dowladda, isagoo tilmaamay in Caalamka markaan uu diyaar u yahay inay garab istaagaan Soomaaliya, Maadaama ay arkeen Dowaldda Soomaaliya inay waxbadan ka qabatay arrimaha Maaliyadda Dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo Munaasabadda soo xiray , ayaa sheegay in dhisida iyo haggaajinta nidaamka Maaliyadeed ee dalka ay ka dhigan tahay soo celinta Qarannimadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in hadafka Dowladda Soomaaliya uu yahay siddii loo cafin lahaa deynta faraha badan ee Caalamka looga leeyahay.

- Advertisement -

- Advertisement -

     

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON