Friday, May 3, 2024

Sarkaal Shabaab ah oo isu dhiibay Dowladda oo si la yaab leh uga baxsaday Saldhig ciidan.. [Akhriso]

Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa Galabnimadii Sabtida ee todobaadkan ka baxsaday Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee ku yaala aagga aadka loo ilaaliyo ee Igsoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Sarkaalkan uu madax ka ahaa qeybta qaraxyada ee Shabaabka ku sugan Muqdisho iyo Sh.Dhexe, isagoo Muqdisho u soo gaaray sidii uu isugu dhiibi lahaa Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ninkan oo aynaan magaciisa wali helin, ayaa fiidkii habeenimadii Sabtida soo galeysay la soo xiriiray Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), wuxuuna u sheegay inuu yahay ninkaas Shabaabka ah oo doonaya inuu isa soo dhiibo.

Ad

Saadaq Joon oo ka aqbalay isa soo dhiibitaankiisa, ayaa u diray Ciidamo si ay u soo kaxeeyaan, waxaana u tagay askar uu watay Taliyaha booliska ee Saldhigga Waaberi Maxamed C/qaadir (Mooshin), wuxuuna Sarkaalkan Shabaabka ah ka soo kaxeeyay guri ku yaala xaafada Maajo ee isla Waaberi.

Taliye Saadaq ayaa u sheegay ninka heysta Saldhigga Waaberi inuu si wanaagsan ula dhaqmo Shabaabka baxsadka ah, wuxuuna Taliye Mooshin ninkan dajiyay qolkii uu ka deganaa Saldhigga, isagoo askartiisa faray iney wanaajiyaan ninkan Shabaabka ah.

Maalinimadii Sabtida oo jiray kulankii baarlamaanka, ayaa la qaaday inta abdan askarta Saldhiga Waaberi, waxaana sidii caadiga eheydba la geeyay Kaalinta Shidaalka ee u dhexeysa Kontrolada ku yaala aagga Hoteelka Wehliye iyo Seydka, waxaana halkaasi ka dhacay qarax xooggan oo dhimasho badan sababay.

- Advertisement -

Taliyaha Saldhigga Waaberi oo xiliga qaraxa Saldhigiisa ku sugnaa ayaa gaari ku kaxeystay askartii yareyd ee goobta ku hartay, wuxuuna aaday halka qaraxa ka dhacay, maadaama ay xisaabsaneyd degmadiisa, si uu ugu kuur galo xaalada goobta.

Ninkii Shabaabka ahaa oo dareemay inaan Saldhigga wax askar ah joogin, ayaa si tartiib ah isaga baxsaday Saldhigga, iyadoo ilaa iyo haatan aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay, wuxuuna Tilifoon kula soo xiriiray Saadaq Joon oo uu u sheegay inuu amnigiisa dayacay, sidaasna uu ugu laabtay halkii uu ka yimid.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo la yaaban sida uu xaalka ku noqday, maadaama ninkii baxsaday madaxda ugu sareysa dalkanna ku wargeliyay inuu hayo Sarkaal Shabaab ah oo isa soo dhiibay, ayaa afka aadiyay Saldhigga Waaberi, wuxuuna canaan kala dul dhacay Taliye Mooshin, Kuxigeenkiisa iyo askartii Saldhigga heeganka ku qorneyd.

Si kastaba, Lama oga sida uu xaalka noqon doono, waxaana jirta cabsi la xiriirta in Sarkaalkan maadaama uu Saldhigga qeybaha uu ka kooban yahay kala bartay uu weerar soo maleego amaba uu hore u sii qaatay Dukumintiyo muhiim ah, iyadoo la ogsoon yahay inuu deganaa qolkii Taliye Mooshin.

- Advertisement -

Isha: Xaldoon

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON